Wararkii u danbeeyay Qaraxyo xooggan oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Sept. 09 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay gobolka Hiiraan, kuwaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Baardheere oo magaalada Beledweyn dhanka Koofur 20KM ka xiga, wuxuuna ahaa Miino loo dhigay gaari Hoomey ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah oo kusii jeeday xarunta gobolka Hiiraan.

Inta la ogyahau qaraxaasi waxaa ku dhintay hal qof, halka ay ku dhaawacmeen Shan ruux oo kale, iyadoo burbur uu soo gaaray gaarigii ay saarnaayeen dadkaasi shacabka ahaa.

Qaraxa 2aad ayaa isaguna ahaa Miino la galiyay wado ka baxda Beledweyn, waxaana ku dhaawacmay dhowr askari oo isku dayeysay inee Miinada saaraan, maadaama ay arkeen, sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay kudhowaad 10 qarax Miino ah ayaa ka dhacay deegaano kamida gobolka Hiiraan, xili gobolkaasi uu ka socdo kacdoon dadweyne oo ka dhan ah dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More