Wararkii u danbeeyay toogashada loo geystay ra’iisul wasaarihii hore ee Japan.

July 08 (Jowhar.com)-Raysul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa la sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u liidato ka dib markii lagu toogtay goob ay ka dhacaysay xaflad ku saabsan olole siyaasadeed.

Mr Abe ayaa labo jeer la toogtay xilli uu khudbad ka jeedinayay magaalada koonfureed ee Nara subaxnimadii hore ee saaka

Isla markiiba dhulka ayuu ku dhacay, waxaana loola cararay cusbitaalkii ugu dhowaa. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay isagoo dhiig baxaya.

Laamaha ammaanka ee goobta ku sugnaa ayaa gacanta ku dhigay ninka lagu eedeynayo inuu gaystay toogashada oo 41 sano jir ah .

Shir jaraa’id oo uu qabtay isaga oo murugaysan saacado ka dib, ra’iisul wasaaraha iminka xilka haya ee dalka Japan Fumio Kishida ayaa waxaa uu ku sheegay in Mr Abe uu ku jiro “xaalad aad u xun”.

“Hadda dhakhaatiirtu waxay sameynayaan wax walba oo ay awoodaan,” ayuu yiri Mr Kishida oo u muuqday mid ilmaynaya, isagoo intaas ku daray ” inuu caafimaad ugu duceynayo”

Wuxuu sidoo kale cambaareeyay weerarka, isagoo yiri: “Waa mid wuxuushnimo iyo xaasidnimo ah, lamana dulqaadan karo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More