Wararkii u danbeeyay weerarka Villa Rosa iyo rasaas wali gudaha dhismaha laga maqlayo.

Nov. 28 (Jowhar.com) -Wararka naga soo gaaraya aagga madaxtooyada Soomaaliya ayaa soo sheegaya in wali rasaas goos goos ah laga maqlayo gudaha hoteelka Villa Rosa, halkaasoo ay xalay gudaha u galeen dabley Shabaab ah.

Ciidamadda amniga ayaa la soo sheegayaa iney wali la tacaalayaan kooxdii weerarka soo qaaday, iyadoo howlgalku haatan u muuqanayo inuu yahay mid gabo gabo ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa goordhow shaacisay in maleeshiyaadkeeda ay wali ku sugan yihiin gudaha dhismaha hoteelka, halkaasoo Ciidamo isugu jira Booliska Gobolka Banaadir iyo kuwa Hay’adda NISA buuxdhaafiyeen wadooyinka soo gala hotelkaasi, oo markii horeba loo xiray amniga Aqalka Villa Somalia.

Ciidamada ayaa bilowgiiba goobtaasi ka soo saaray masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), kaas oo weerarka ku dhaawacmay, mana cadda khasaaraha ka dhashay weerarka.

Hotelka la weeraray ayaa kuyaala goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo. Wuxuu dhabarka ku hayaa madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale wuxuu aad ugu dhow yahay godka Jilacow.

Hotelkan iyo dhismooyinka kale ee ku dhow dhow waxaa degan Wasiiro, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo Saraakiil ciidan, waana mid ka mida goobaha ugu ilaalada adag ee Caasimadda Muqdisho, iyadoo su’aalo badan ay ku hareereesan yihiin sida Shabaabku halkaasi u gaaray.

Weerarkan ayaa imaanaya, xilli shacabka Soomaaliyeed ay weli xusuusan yihiin dadkii faraha badnaa ee ku dhintay qaraxyadii Zoobe 2, ay Shabaabku 29-kii bishii hore ee October ka gaysteen Xarunta Wasaaradda Waxbarashada.

Lama filayn in Alshabaab weerar caynkaan ah ay ka geysan karaan goob sidaas madaxtooyada ugu dhow, oo aan loo ogolayn gaadiidka shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More