Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada magaalada Dhuusamareeb

May 14 (Jowhar.com)- Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in magaaladu ay degan tahay ka dib markii shalay uu ka dhacay dagaal sababay qasaare xoog leh.

Hase yeeshee magaalada Dhuusamareeb ayaa inta badan dadkii ku noolaa ay ka barakaceen kadib markii ciidamada Ahlu Sunna ay gudaha u soo galeen qeybo ka mid ah magaalada kadibna dagaal xoogan uu ka bilowday bartamaha magaalada.

Ciidanka xoogga dalka iyo maamulka caasimadda Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay ku guuleysteen oo ay la wareegeen dhammaan deegaamadii ay soo galeen ururka Ahlu Sunna ayna weliba kala wareegeen saldhigga ay ku lahaayeen deegaanka Bohol.

Maamulka degmada Dhuusamareeb ayaa ugu baaqay shacabka ka barakacay inay dib ugu soo laabtaan magaalada oo xaaladu ay degen tahay.

Illaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkii xoogga lahaa ee shalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb iyadoo dagaalkana uu sidoo kale sababay in xarumo ganacsi ay ku gubtaan dagaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More