Guddiga doorashada madaxweynaha oo maanta kulan aan caadi eheyn yeelanayo

May 14 (Jowhar.com) – Guddiga doorashada madaxweynaha ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa iney maanta kulan aan caadi eheyn ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho, iyagoo go’aaminaya in beri oo Axad ah ay dhici karto doorashada madaxweynaha iyo inkale.

Kulankan waxaa la filayaa iney ka qeyb galaan Gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo kan Aqalka Sare Cabdi Xaashi, waxeyna is dul taagi doonaan sida ay u socoto howsha qabashada doorashada iyo hadii ay jiraan wax caqabada ah oo ku horgudban howshan.

Gudoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha Senator Cabdi qani Geelle ayaa la filayaa inuu dhinacyada kulanka maanta leh uu u soo bandhigo sida ka guddi ahaan ay ugu diyaarsan yihiin doorashada, iyadoo la ogyahay iney shalay soo bandhigeen hoolka doorashada iyo iney u dhameystiran yihiin agabkii codeynta lagu qaban lahaa.

Si kastaba, 39 musharax aaa isu diiwaan gelisay doorashada, walow laba musharax oo kala ah C/kariin Guuleed iyo C/Nnaasir Cabdulle ay si iskood ah isaga hareen, waxeyna qeyb ka noqdeen ololaha uu xilkan ugu jiro C/raxmaan C/shakuur Warsame.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More