Wararkii u dambeeyay dagaal culus oo xalay ka dhacay magaalada Laascaanood.

Jan. 08 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay dagaal culus uu ka dhacay duleedka magaalada, kaasoo ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada deegaanka ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ciidamadda Somaliland ku lahaayeen Bariga iyo Koonfurta Magaalada Laascaanood, waxaana la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad goob joigayaal ah ayaa sheegaya in khasaare xooggan uu dagaalka ka dhashay, kaasoo ku kooban dhinacyada dagaalantay, iyadoo saaka xiisad kacsanaan ah laga soo sheegayo magaalada.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in mid kamid ah Saldhigyada la weeraray meel u dhow in uu degan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo maalmahaan ku sugan Gobolka Sool.

Laascaanood oo maalmahan ay dib ugu soo laabanayeen dadkii hore uga barakacay ayaa haatan u muuqata ineysan muuqan ifafaalo nabadeed, waxaana magaalada Shantii maalin ee ina dhaaftay maamulayay maleeshiyaad deegaanna ah, kadib markii dagaal looga saaray magaalada ciidankii taabacsanaa Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More