Wariye Coldoon oo xabsiga laga sii daayay kadib markuu dhameystay xukunka labada sano ahaa.

Dec. 22 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in xabsiga laga sii daayay wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

Sii deynta wariyahan ayaa ka danbeysay kadib markii uu dhameystay xukunkii lanada sano ahaa ee hore loogu xukumay, isagoo haatan si xoriyad leh ugu noolaanaya deegaanada Somaliland.

Xukunkaas labada sano ah waxaa hore ugu riday maxkamadda Rafcaanka magaalada Hargeysa, kadib markii ay soo bandhigeen eedo loo heystay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More