Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya

Waxaa xasaanaddii Dublamaasiga ahayd laga xayuubiyay Saafiirkii Soomaaliya ee Dalka Cumaan Mudane Cabdiwali Cali Axmed oo halkaas joogay 2018 kii oo Qatar loo wareejigay Fahad Yasen Seedigii Cabdirisaaq Taano oo horay u ahaa ganacsade ka baayac mushtara Dhuxusha J/Hoose laga dhoofiyo , Dukaan Dahabna ku lahaa Suuqa  Dubai ee Isu tagga Imaaraadka Carabta halkaas oo dhuxusha loo dhoofiyo si hareer marsan qaynuunka Dalka .

Waxaa xeebaha Dalkaas ku  xumaaday Markab xambaarsan  dhuxul laga keenay Soomaaliya laakiin loo ekaysiiyay in laga keenay Tanzaaniya , Markabka MV FOX  oo ku ciladoobay xeebaha Cumaan ayaa qaylo dhaan dirsaday sidaa ayayna Dawladda Cumaan ku ogaatay inuu markabkani sido dhuxul sharci darro looga soo raray Kismaayo .Dhuxusha ayaa ku socotay Imaaraadka Carabta .

Markii la qabtay waxaa durba khadka soo galay iskuna dayay in la sii daayo Markabka Safiirada Soomaaliya u jooga Cumaan iyo Qatar , waxaa durba heshiis lala galay shirkad garsoor oo la yiraahdo Alhinai & Shuraakadooda , isku dayo dhawr ah oo lagu doonayay in markabkaa warkiisa uunsan gaarin Dawladda Xamar  ayaa fashilmay ka gadaal markay Dawladda Cumaan war galiysay Dawladda Soomaaliya .

Il xog ogaal ah oo ka tirsan Wasaaradda Dibadda Cumaan ayaa ii xaqiijiyay  in Wasaaradaha Dibadda Soomaaliya iyo ka codsatay Wasaaradda Dibadda Cumaan in uu booqasho deg deg ah ku tago Dalkooda Wasiiru Dawlaha Dibadda Soomaaliya Bilaal Cusmaan wayse ka gaabsatay Cumaan booqashadaas waxaana la ii sheegay inuu safiirka Soomaaliyeed ee Qatar Cabdi Taano ku qanciyay Wasiir Bilaal inuu tago Cumaan si hoosana loo xaliyo arinta Markabka shixnadan ee  MV FOX.

Wasaaradda  Arimaha Dibadda  ayaa  go’aan qaadatay caddaaladda ka durugsan oo qaar lagu ciqaabay shuraakada Markabka MV FOX  waxaa xilkii iyo xasaanadiiba ka xayuubiyay Safiirkii Cumaan markaa joogay Cabdiwali  , waxay ahayd in labada safiir isku sina loo ciqaabo bacdamaa ay shuraako ku ahaayeen falkaan iyo kuwo ka horeeyay waxaadse mooddaa in go’aan qaadashada Madaxdu uu mar walba saamayn ku leeyahay reerka aad tahay , waxaa wali la habayaa jidkii aan ku jabnay nin jeclaysiga iyo qaraabo dhawrka qaranka laga horaysiinayo .

F Xiirane ( NSS 1976 – 1991 )
Twitter @fxiirane
fahiira@gmail.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More