Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada oo Bilowday Wajigii Koowaad ee Dhirenta Muqdisho

Dec. 31 (Jowhar.com) – Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Soomaaliya ayaa maamulka gobolka Banaadir ku wareejisay noocyo kala duwan oo geedo ah, taasoo qeyb ka ah dhiraynta magaalada. Tani waa talaabadii ugu horeysay ee hirgalinta aragtida madaxweynaha ee “Soomaaliya Cagaaran”.

Qorshahan ayaa ujeedkiisu yahay in 100 kun oo geed lagu beero magaalada Muqdisho, si ay tusaale ugu noqoto dhammaan magaalooyinka waaweyn ee dalka. Dhirtan oo ka qeyb qaadaneysa bilicda magaalada ayaa si dhaqsi leh u bixi karta, isla markaana ku haboon cimilada Muqdisho, waxaana ku deeqay darbiga weyn ee cagaaran iyo Jaamacadda Nabadda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dr. Siciid Maxamed Cali ayaa sheegay in geedka ay wasaaraddu ku wareejisay maamulka gobolka uu muujinayo sida ay uga go’an tahay xaqiijinta hiigsiga “Soomaaliya Cagaaran”. Wuxuu xusay in wasaaraddu ay fulisay amarkii madaxweynaha ee ahaa in la bilaabo dhiraynta gobolka Banaadir ka hor dhamaadka sanadkan iyadoo lagu wareejiyay geedo geedo ah, taasoo asaas u ah hirgelinta geeddi-socodka.

“Habka ugu wanaagsan ee lagu keeni karo natiijooyin degdeg ah si loola dagaallamo isbedelka cimilada iyo dib u soo noolaynta dhulkeena waa dhiraynta,” ayuu yidhi Dr. Siciid.

Wasaarada deegaanka iyo isbadalka cimilada ayaa balan qaaday in dalka oo dhan ay ku beeri doonto 10 milyan oo geed. Hindisaha dhir beerista ayaa loogu talagalay in lagu soo celiyo kaymihii lumay ee dalka iyo dhulkii cagaarnaa. Waxa la rumaysan yahay in dhirayntani ay si weyn u yarayn doonto abaarihii soo noqnoqday ee ka dhacay guud ahaan dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More