Wasiir Doodishe oo Agaasime cusub u magacaabay hay’ada socdaalka iyo jinsiyada

July. 08 (Jowhar.com)-Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Doodishe ayaa agaasime kumrel gaar ah u magacaabay hay’ada socdaalka iyo jinsiyadaha.

Qoraal kasoo baxay wasiir Doodishe ayaa lagu sheegay inuu Axmed Siciid Maxamed u magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu faray inuu si deg deg ah xilka uka wareego, wuxuuna hay’adaha dowladda ka dalbaday iney la shaqeeyaan.

Agaasimihii hore ee Hey’addaas C/qaadir Cilmi Cali oo dhowaan ka mid noqday 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta ku eedeysay musuq maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne ayaa war saxaafadeed uu soo saaray isku casilay, isagoo dalka ka maqan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More