Wasiir Huruuse oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka cusub ee Canada, kana gudoomay….

Apr. 04 (Jowhar.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Canada u qaabilsanaan doona dalkeenna Mr. Christopher Thornely.

Wasiir Huruuse ayaa sheegay in talaabada ay Canada safiirka ugu soo magacday dalkan ay ka turjumeyso heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka labada dowladood

“In dawladda Canada ay Danjire u soo dirsato dalkeenna waxay sii adkaynaysaa xiriirka dhinacyada badan ee ka dhexeeya labadeenna dal.” Ayuu yiri Wasiir Huruuse.

Waddamada Soomaaliya iyo Canada waxaa ka dhexeeya xiriir dheer oo iskaashi iyo saaxiibtinimo, waxaana ku nool waddanka Canada jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u ballaaran saamayn badanna ku leh labada waddan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More