Wasiir ka tirsan xukuumadda Xamze oo iska casilay xilkii uu ka hayay DF

Feb. 23 (Jowhar.com)-Wasiiru-dowlaha wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa is-casilay, sida uu ku sheegay bayaan uu soo gaaray goor dambe oo xalay ah.

Qoraal uu soo saaray ayui is-casimaadiisa sabab uga dhigay musuq baahsan iyo ku takrifal awoodeed oo ay wasaarada ka wado wasiirka wasaaradaasi.

“Mudane Ra’isul Wasaare, tan iyo markii aan la wareegay xilka wasaaradda, waxaa si joogta ah iigu imaan jiray shaqaale iyo qanderaasleyaal dacwo ka ah wasiirka wasaaradda, kuwaas oo ku eedeeyay inay ku takrifal awoodeed iyo baal-maris sharci” ayuu ku yiri warqadda is-casilaadda ee uu u diray Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, isaga oo intaas raaciyay;

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa bayaanka uu soo saaray ku xusay iney soo gaaryay canashada shaqaale ka tirsanaa wasaarada oo la ceyriyay, laguna beselay kuwo aan ku hanooneyn boosaska la geeyay, sida uu yiri.

“Haddaba markii aan arkay in si joogto ah shaqaale waajibaadoodka gudanaya ay u ceyrisay, si ay ugu bedesho dad aan ku habbooneyn laguna soo xushay dano gaar ah. Kaddib markii ay i soo gaartay cabashooyin joogto ah, oo shirkado iyo qanderaasleyaal bixiya adeegga garoonka Aadan Caddey, oo heysta ruqasado sharci ah oo soo maray habraaca sharci ee dalka, kuwa wasaaradda u deggan iyo wax ka qabasha la’aanta Ra’isul Wasaaraha dhammaan eedaha kor ku xusan, waxaan go’aansay in maanta laga billaabo aan caddeynayo inaan iska casilay xilkii Wasiir-dowlaha wasaaradda Gaadiid iyo duulista Hawada”

Warqadda is-casilaadda Maxamed Cali Omar ayaa u qorneyd sidan;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More