Wasiir Roobow oo shuruudo culus dul dhigay cid kasta oo faafineysa Diinta Islaamka.

Dec. 04 (Jowhar.com) -Wasiirka Diinta iyo Awqaafta xukuumada Soomaaliya Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur ayaa sheegay in dowladda ay wado qorshe Shati loogu jarayo dadka faafinaya Diinta Islaamka.

Wasiir Roobow oo wareysigii u horeeyay bixiyay tan iyo markii loosoo magacaabay xilka wasiirka oo uu siiyay wargeyka Guardian ayaa tilmaamay in howsha Shati bixinta lagu bilaabayo Imaamyada Masaajida iyo Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka Kariimka.

Mr.Roobow oo mar soo noqday Amiir kuxigeenka kooxda argagixisada ah ee Al-Shababa ayaa arrintan hadafka laga leeyahay ku micneeyay in laga hortago faafinta fikradaha xagjirnimada.

Isagoo ka hadlayay aragtidiisa ciidanka Macwuusleyda ee Shabaab la dagaalamaya waxa uu la barbar dhigay kooxihii wax iska caabinta ee dalka Ciraaq ka saaray kooxda Daacish.Wasiir Roobow oo shuruudo culus dul dhigay cid kasta oo faafineysa Diinta Islaamka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More