Wasiirka arrimaha gudaha oo Muqdisho kula kulmay madax ka socotay hay’adda UNICEF.

Sept. 12 (Jowhar.com)-Wasiirka wasaaradda ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hogaaminayso Ms. Wafaa Siciid , Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya.

Mudane Ahmed Moallim Fiqi Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS iyo wafdiga ay hogaaminayso MS. Wafaa Siciid ayaa waxaa ay kulankooda diirada ku saareen arrimaha Diiwaangelinta Madaniga , Wacyigalinta bulshada, Waxbarashada Madaniga iyo Arrimaha Bani’aadamnimada sida wax ka qabashada abaaraha Dalka ka jira.

Wasiirka Wasaaradda ayaa bogaadiyay Kaalinta ay Hay’ada Unicef ka qaadatay Arrimaha Waxbarashada Madaniga ,Diiwaangelinta Madaniga , isagoona balan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan Hay’adda Unicef ee Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More