Wasiirka difaaca Taliyaaniga oo soo gaaray Muqdisho

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Maxamed Xagaa, oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Generaal Odawaa Yuusuf Raage iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Axmed Cabdi Kooshin, ayaa maanta muqdisho ku soo dhaweeyey Wasiirka Difaaca ee dowladda Talyaaniga Guerrini Lorenzo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo Wasiirka Difaaca Talyaaniga ayaa si wadajir ah waxaa ay salaam ugu qaataan Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, ciidanka ayaa goobta ka qaaday astaamaha Qaranka dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga.

intaasi ka dib Mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa kulan ayaa la qaatay wafdigii uu hogaaminayay Wasiirka Difaaca Talyaaniga, Waxaana ay ka wada hadleen Xiriirka labada dhinac iyadoo ay xusid mudan tahay in intii kulanka uu socday uu khadka taleefanka ugu qeybgalay Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, oo howlo shaqo oo muhiim ah dalka dibadiisa ugu maqan.

kulanka markii uu soo idlaaday ayaa Warbaahinta waxaa si wadajir ah ula hadlay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS xil. maxamed Xagaa oo tilmaaay in dowladda talyaaniga ay ka mid tahay dowladaha ka qeybqaatay dib-u-dhiska dalka isagoo xusay in soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhinacyo badan taabanaya .

Dhanka kale Guerrini Lorenzo wasiirka Difaaca Talyaaniga ayaa sheegay in rajo weyn oo soo kabasho ah soomaaliya ay ka muuqato isagoo sheegay in Soomaaliya uu u yimid in uu sii Xoojiyo Xiriirkii soo jireenka ahaa ee labada dalka ka dhexeeya.

Ugu dambaynti Wasiiru-dowlaha wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa Shahaado Sharaf iyo Bilad gudoonsiiyay Wasiirka Difaaca Talyaaniga taas oo muujineysa xiriirka soo jiraanka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dowladood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More