Wasiirka Gaashaandhiga iyo taliyaha CXDS oo Axmed Madoobe kala hadlay bilaabida dagaalka Shabaab.

Nov. 26 (Jowhar.com) -Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Gaashandhiga Dowlada Federaalka ah Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha guud ee Ciidamada xooga dalka Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage.

Wafdigan oo gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa madaxweynaha ugu tagay xarunta madaxtooyada, halkaasoo ay wadahadalo ku yeesheen.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa tilmaamaya in dhinacyadan ay ka wada hadleen sidii deegaanada Jubaland looga bilaabi lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si kooxda culees looga saaro iney qorsheyaal weerar degto.

Jubaland ayaa ah maamulka kaliya ee dalka la jira oo Shabaab ay ka heysato gobol dhan oo Jubada Dhexe ah, halkaasoo ay gabaad ka dhigtaan hoggaanka kooxda iyo Ajaanibta ugu waaweyn ee kooxdaasi taageerada siisa.

Dad badan ayaa rumeysan in hadii Jubaland ay kusoo biirto dagaalka ku foorara kooxda Al-Shabaab ay ka dhigan tahay in culeys horleh uu fuulo kooxdan, taasoo gogol xaar u noqon karta in waayihii kooxdaasi uu iska soo dhamaado.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More