Wasiirkii Qorsheynta Soomaaliya oo xil sare looga magacaabay Ururka IGAD.

Sept. 02 (Jowhar.com)-Wasiirkii hore ee Qorsheynta Xukuumaddii hore Jamaal Mohamed Hassan ayaa loo magacaabay Madaxa Xarunta la Qabsiga Cimiladda iyo Ilaalilnta Deegaanka ee IGAD.

Magacaabiddan ayaa ka timid dhanka Urur Goboleedka IGAD, iyadoo dowladdu aanay wax diidmo ah kala hor imaan magacaabiddan, kaddib markii ay ka soo dhamaatay dhinaca Ururka IGAD.

Jamaal.Maxamed Xasan ayaa hore u soo noqday wasiirkii Qorsheynta Soomaaliya,Safiirkii Soomaaliya ee Kenya iyo xildhibaan ka tirsanaa golaha shacabka.

Waxa uu kamid ahaa wasiiradii ugu dhawaa madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo, taasoo la rumeysan yahay iney sabab u eheyd waayitaankiisa kursiga Xildhibaanimo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More