Wasiirkii Warfaafinta Koofurgalbeed Ilyaas Cali Nuur oo Is Casilay

Dec. 24 (Jowhar.com)- Wasiirkii Warfaafinta Maamulka Koonfur galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Dowlad goboleedka Koofurgalbeed sababo la xiriira dagaalkii shalay ka dhacay Baydhabo.

Muuqaal uu soo dhigey baraha bulshada ayuu ku sheegay Ilyaas Cali Nuur inuu dadaal xoog leh geliyay waqtigiisa Maamulka Koofurgalbeed.
“Dhacdo aad u fool xun ayaa dhacday taasi oo aan la qaadan karin,waxaana la ilaalin waayay dowladnimada waxaana aan goaansaday anigoo ah Ilyaas Cali Nuur inaan iska casiley xilkii Wasiirka Warfaafinta Koofurgalbeed.”ayuu yiri Ilyaas.

Ilyaas Cali Nuur waxa uu ku tilmaamay dhacdadii shalay ka dhacday Baydhabo mid aan hore uga dhicin lana tixgelin waayay duubkii dhaqanka,xildhibaankii federalka beesha uu ka soo jeedo.

Siyaasiga Ilyaas Cali Nuur ayaa waxa uu beeniyay inuu wax lug ah ku lahaa weerarkii lagu qaaday guriga siyaasiga Fargeeto waxana uu mas’uuliyadeeda dusha uga tuuray Madaxweynaha Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Ugu dambeyntii Ilyaas Cali Nuur ayaa ugu baaqay ciidamada ATMIS inay dhexdhexaad ka noqoto arrinta Koofurgalbeed ay tahay mid shacabka u taal ayna waajib ku tahay inay kala shaqeeyaan sidii doorasho uga dhici lahayd Koofurgalbeed.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dowlada federalka inay garab istaagto shacabka Koofurgalbeed sidii ay u heli lahaayeen nabad iyo maamul ay doorteen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More