Weerar lagu qaaday saldhig ciidamadda Somaliland ay ku leeyihiin Laascaanood.

Jan. 03 (Jowhar.com)-Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar saqdii dhexe xalay lagu qaaday Saldhig Ciidamada Booliska iyo Millateriga Somaliland ku leeyihiin magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Weerarka oo si gaar ah uga dhacay Xaafada Durdur ayaa la sheegay iney geysteen maleeshiyaad deegaan ah, kuwaasoo ka careysan dadka shacabka ah ee ciidamadda Somaliland ay todobaadkii labaad ku leynayaa xarunta gobolka Sool.

Dagaalka ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan inay ku dhaawacmeen saddex ruux oo Shacab ah, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka magaalada Laascaanood, halkaasoo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Xaaladda magaalada ayaa wali ah mid kacsan, waxaana halkiisa kasii socda dibadbaxyada ay dhigayaan shacabka, kaasoo ay uga soo horjeedaan ciidamadda Somaliland oo ku fashilmay iney wax ka qabtaan dilalka ka dhaca magaalada laascaanood oo Somaliland ka qabsatay Puntland.

Si kastaba, baaqyo ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, balse sida muuqata Somaliland waa ay ka dhego furaysatay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More