Weerar qaraxyo Ismiidaamin ahaa ku bilowday oo ka socdo magaalada Muqdisho

Ciidamadda dowladda iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay magaalada Muqdisho

Feb. 21 (Jowhar.com-Warar gorodhow naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar qaraxyo ku bilwoday lagu qaaday guri ku yaala degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socda dhismaha la weeraray, kaasoo u dhexeeya dableyda Shabaabka ah ee duulaanka qaaday iyo ciidamada amaanka, waxaana rasaasta barbar socota qaraxyo dhaceysa.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in goobaha la weeraray ay dagan yihiin Xildhibaano, wasiiro iyo taliyayaal ciidan, walow aan si rasmi ah loo ogaan goobta la weeraray cida dagan.

Kooxda Shabaab oo war kooban soo saartay ayaa sheegatay weerarkan, iyadoo tilmaantay in koox ka tirsan ay ka dagaalamayaan goobta, iyadoo qaraxyo Ismiidaamin ah ay jiraan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More