Weerar qaraxyo ku bilowday oo Shabaab saaka ay ku qaaday deegaanka Qaayib.

Nov. 25 (Jowhar.com) -Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar culus oo qaraxyo Ismiidaamin ah ku bilowday oo kooxda Al-Shabaab saaka ay ku qaaday deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in goobta uu ka dhacay dagaal culus, iyadoo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saraakiisha ciidamadda ayaa sheegaya iney iska caabiyeen weerarka kooxdan, iyadoo ay sheegeen iney warbaahinta usoo bandhigi doonaan jabka ay kooxda gaarsiiyeen.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkan ayaa tilmaamtay iney la wareegtay xerooyinka ciidamadda ee weerarka lagu bartilmaameedsaday, iyadoo kooxda ay sheegtay iney saanad ciidan iyo hub iyo agab kale ay ka soo qaadatay saldhigyadii ciidamadda.

Deegaanka Qaayib oo hoostaga degmada Baxdo ayaa sidan oo kale Shabaab u weerareen 2-dii bishan, waana deegaan muhiim u ah kooxda oo mido dheer ay maamuleysay.Weerar qaraxyo ku bilowday oo Shabaab saaka ay ku qaaday deegaanka Qaayib.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More