Wiil iyo Adeerkiis oo xalay lagu dilay maaalada Muqdisho.

June 25 (Jowhar.com)- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay fiidkii qeybo kamid ah degmada Dharkiinleey ee magaalada Muqdisho loogu geystay laba qof oo Shacab ah, iyadoo dilkooda loo adeegsaday bistoolad, sida laamaha amaanka laga helayo.

Labada qof ee la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Cabdi Cismaan (Cabdi Yare) iyo Xuseen Cabaas Cismaan oo ahaa wiil iyo adeerkiis ayaa si gaar ah loogu toogtay xaafada Suuq Liif, iyadoo weerarka kadib ay goobta ka baxsadeen danbiilayaasha.

Ciidamo boolis ah uu horkacayay talIyaha saldhigga booliska degmadaasi ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, iyagoo sameeyay baaritaano, inkastoo aysan ku guuleysan iney gacanta kus oo dhigaan ragii dilka geystay, hadana waxaa jira warar laamaha amaanka laga helayo oo sheegaya iney hayaan raadka gacan ku dhiiglayaasha.

Meydadka labada marxuum ee isku qoyska ahaa ayaa la filayaa in maanta la aaso, waxaana jira shaki salka ku hayo in dilkooda uu salka ku hayo arrimo la xiriira dhul oo ay inta badan shaqadooda eheyd marxuumiinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More