Xabad joojintii Laascaanood oo burburtay iyo dagaalka culus oo galay maalinkii 6-aad

Feb. 11 (Jowhar.com- Maalinkii 6-aad oo xiriir ah ayaa duqeyn kusocotaa magaalada Laascaano, hub culus ayaa ku soo dhacaya goobaha rayidka, Banaanka magaalada waxaa ka socda dagaal culus, tani ayaa ka dhigan in Xabadjoojintii lagu dhawaaqay aysan hirgalin oo ay burburtay.

Wali lama oga hadii uu jiro khasaare ka dhashay dagaalka saaka mar kale dhexmaray ciidamada Somaliland iyo ciidamo beeleedka taabacsan garaadada ee magaalada ku sugan.

Xaaladda guud ee Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana magaalada isaga barakacay qoysaskii daganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka ka socda halkaas

Somaliland ayaa xalay sheegtay in ay xabada joojinayso oo ay nabad raadinayso, kahorna Isimadda dhaqanka SSC ayaa ku eedeeyey Somaliland in ay duulaan qorsheynayso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More