Xabad joojintii Sudan oo lagu daray 72 saacadood kale

Apr. 28 (Jowhar.com)-Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa Khamiistii isku afgartay inay kordhiyaan heshiiskii hore ee xabbad-joojinta ahaa ee ku ekaa 72-ka saacadood, hase ahaatee waxaa weli jira rabshado ka dhacaya caasimadda dalka Sudan ee Khartoum iyo gobolka Darfur.

Maraykanka ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xadgudubyada ka dhanka ah, heshiiska xabbad-joojinta.

 

Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaalada ka socda dalka Sudan, halka ay ku barakaceen kumanaan qof, ka dib dagaalladii adkaa ee dhexmaray ciidamada Sudan iyo xoogagga sida gaarka ah u tababaran ee RSF.

 

Ciidanka Milateriga ayaa Arbacadii sheegay inay aqbaleen in wakhtiga xabbad-joojinta, oo dhacayey fiidnimadii Khamiista, in lagu daro saddex maalmood ookale, lana gaadhsiiyo illaa Axadda. Isla Khamiistii waxaa markale ay ciidamada Milaterigu ay markale ku celiyeen inay dhinacooda wakhtiga u kordhinayaan heshiiska xabbad-joojinta ah.

 

Ciidamada RSF ee la dagaalamaya ciidamada dawladda Sudan ayaa iyaguna markii ugu horraysay Khamiistii aqbalay in wakhtiga loo kordhiyo heshiiska xabbad-joojinta, laguna daro 72 saacadood oo kale oo ka bilaabmaysa maalinta Jimcaha.

 

Hadalkan ka soo baxay labada dhinac, waxaa soo dhoweeyey Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, urur goboleedka IGAD iyo dalalka ka odayaynaya xaaladda Sudan ee kala ah Maraykanka, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Sucuudiga.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More