Xafiisyada Wasaarada Diinta iyo Awqaafta oo loo xiray Musuqa Xajka darteed iyo khilaaf taagan.

June 14 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in musuqa Xajka darteed loo xiray Wasaarada Diinta iyo Awqaafta xukuumada soomaaliya, xili maalmihii la soo dhaafay laga cabanaya qiimaha Xajka ee sanadan oo sare u kac xooggan ku yimid.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, waxaa Albaabada la isugu dhuftay ilaa Shan xafiis oo ahaa kuwa ugu muhiimsan ee Wasaarada, kuwaasoo kala ah; Xafiiska Wasiirka, Xafiiska Agaasimaha Guud, Xafiiska Waaxda Xajka iyo Xafiiska Maamulka iyo Maaliydda.

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa la soo sheegayaa inuu talaabadan qaaday ka dib markii uu dhawaan soo if baxay Musuq maasuq ka jira Wasaaradaasi taasi oo la xiriirta Hanaanka bixinta Viisaha Xajka ee sanadkan oo dhaqaale badan lagu xiray.

Sidoo kale warar aan ka helnay ilaha Wasaarada ayaa sheegaya in weli khilaaf uu ka dhex jiro Xaruunta Wasaarada ka dib markii Wasiirka Diinta Sheekh Cumar Cali Rooble uu amar ku bixiyay in Wasaarada uusan soo gali karin Agaasimihii hore ee Wasaaradaasi Cumar Faaruuq.

Khilaafka Wasiirka iyo Agaasimaha ayaana la sheegay in uu salka ku hayo habka Maamulida arinta Xajka ee sanadkan iyo Mashruuc la yiraahdo PCV oo UN-ka maal galinayay kaasi oo ku saabsan ladagaalanka Argagixisada,Waxaana mashruucaasi la sheegay in uu ku baxayo Dhaqaale badan.

Si kastaba, Wasaarada irdaha la isugu dhuftay ayaa qiimaha Xajka ee sanadkan gaarsiisay lacag dhan $5,230,00 (Shan kun labo boqol iyo soddon Dollar), halka Markii hore qiimaha uu ahaa $3800, waxaa sanadkan lagu kordhiyay lacag gaareysa $1430, taasoo dadka ay cabasho ka muujinayaan, waana sababta soo dadajisay talaabada xafiiska Hanti-Dhowrka guud ee Qaranka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More