Xafladda Dhagax-Dhigga xarunta cilmiga Tignooloojiyada oo lagu qabtay Muqdisho.

June 27 (Jowhar.com)-Waxaa maanta xaflad lagu dhagax-dhigayay dhismaha Xarunta Cilmiga iyo Tignooloojiyadda ee Jaamacadda SIMAD lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Hey’adda Direct Aid Soomaaliya, Mudane Hassan Ahmed Sheikh Badawi iyo Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Mudane Daahir Xasan Carab ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub oo ay Jaamacaddu ku yeelaneyso duleedka magaaladda Muqdisho taas oo lagu baranaayo culuumta sayniska iyo tignooloojiyadda. Xafladda dhagax-dhigista waxaa kasoo qeybgalay maamulka, macalimiinta, qaar ka mid ah ardayda ka qalinjebisay Jaamacadda iyo marti-sharaf kale.

Xaruntaan cusub ee maanta la dhagax-dhigay oo dhul baaxeedkeedu la eg yahay 84,000 mitir laba jibaaran ayaa noqoneysa xarun aad casri u ah taas oo martigelin doonta in ka badan 15,000 arday hal-kii mar, lahaan doontana tas-hiilaadyada sida hooy loogu talagalay ardayda, macalimiinta, iyo ardayda Jaamacadda iyo dhakhaatiir.

Sidoo kale, xarunta ayaa lahaan doonta dhamaan adeegyada kala duwan ee ay bulshadu u baahantahay sida xarun ganacsi, bangiyo, masrax martigelin kara in ka badan 2,000 oo qofood, xarumo jimicsi iyo jirdhis oo ay ku jiraan kubadda koleyga, Kubadda Laliska, Kubadda Gacanta iyo Kubadda tennis-ka miiska.

Waxaa kale oo xusid mudan in xaruntaan ay yeelan doonto isbitaal aad u weyn oo u adeegi doona qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale xaruntaan ayaa gebi ahaan tamarta iyo korontada ka qaadan doonta tamarta cadceedda.

Jaamacadda SIMAD oo ka mid ah jaamacaddaha ugu tayada sareeysa dalka ayaa sanadihii dambe ku talaabsaneysay horumar dhinacya kala duwan taabanaya. Jaamacadda ayaa sanadihii lasoo dhaafay diiradda saareysay cilmi-baarista iyo tayeynta waxbarashada si ay u noqoto jaamacad cilm-baariseed oo diiradda saarta taaba-gelinta mashaariicda cilmi-baarista si loo xaliyo mashaakiladaha kala duwan ee bulshadu Soomaaliyeed wajaheyso.

Caqabaddaha qarniga 21-aad ee soo food saartay bulshadeenna awgeed, Jaamacadda SIMAD waxa ay hadda dib u habeyn ku sameyneysaa hadafkeeda ah in ay noqoto Jaamacad ku dhisan hal’abuur iyo ganacsi, iyadoo mudnaanta siin-doonta ganacsiga iyo hal-abuurka, tamarta cadceeda ah, wax ka qabashada isbeddelka cimilada, haqab-beelka cuntada, caafimaadka, iyo wixii la mid ah. Xaruntaan cusub ee maanta la dhagax-dhigay ayaa saldhig u noqon doonna isbedeladaas.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More