Xal laga gaaray khilaaf soo kala dhex galay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Khadar

Mad-madowhii maalmihii la soo dhaafay soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Khadar Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ee ku saabsanaa Arrinta doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.

Ayaa xal laga haaray, iyadoo la isku afgartay in la dardar geliyo howlaha doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay labada Mas’uul ee ugu sareeya siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyi, waxaana la isku afgartay in arrimaha mad-madowga ka dhex jira la dhammeeyo, horayna loo socdo.

Dhowr jeer oo hore sidan oo kale waxaa uu khilaaf soo kala dhex galay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed, waxaana la isku hayay cida maamuleysa doorashada kuraasta Xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Waxaana markii u dambeysay lagu heshiiyay in labada dhinac wadajir u maamulaan doorashada xubnaha labada Aqal ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More