Akhriso Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo ka hadlay Qoondada dumarka

Warbixin uu soo saaray Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dorashada Dadban ayaa loogaga hadlay qoondada Haweenka ku leeyihiin labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo sidii loo ilaalin lahaa.

Guddiga ayaa warbixintiisa waxa uu ku xusay in Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya in ay korortay qoondada haweenka ee Aqalka Sare marka la isla barbardhigo Golaha dhawan la doortay iyo kii waqtigu ka dhamaaday.

Hase yeeshee waxa uu Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada warbixintiisa ku sheegay in laga doonayo Aqalka Hoose in haweenka ka helaan qoondada ay leeyihiin, isagoo ka digay in la musuq maasuqo ama awood loo adeegsado qoondada haweenka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More