Xamaas oo sii deysay 12 ruux oo toban ka mid ah ay yihiin Israa’iiliyiin

Nov. 28 (Jowhar.com)-Israa’iil ayaa xaqiijisay in 12-ka qof oo ka mid ah dadkii ay Xamaas ku qabsatay weerarkii 7dii Oktoobar la sii daayay,12kan la sii daayay caawa ayaa 10 ka mid ah waxa ay yihiin Israa’iiliyiin halka labada kalana ay ka soo jeedaan dalka Thailand.

Qatar oo ahayd dhexdhexaadiyaha muhiimka ah ee heshiiskan ayaa xaqiijisay in 30 Falastiiniyiin ah laga sii daayay xabsiyada Israel caawa. Taas oo lagu beddelayo la haystayaashii Gaza laga soo daayay.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Majed al-Ansari ayaa wax yar ka hor soo dhigay internetka: “Falastiiniyiinta laga sii daayay xabsiyada Israel waxaa ku jira 15 carruur ah iyo 15 haween ah.Sii deynta maanta ee la qorsheeyay waxay qayb ka tahay laba maalmood oo dheeri ah oo lagu joojinayo dagaalka.

150 Falastiiniyiin ah – oo u badan dumar iyo wiilal da’yar – ayaa ilaa hadda laga sii daayay xabsiyada Israa’iil tan iyo Jimcihii taasoo qayb ka ah xabbad joojinta.

Waxaa laga soo dhex xulay liis asal ahaan ah 300 oo falastiiniyiin ah oo ay diyaarisay Israa’iil kuwaasoo lagu eedeeyay dambiyo kala duwan, laga bilaabo dhagxaan tuurista, kicinta iyo isku day dil. In ka yar rubuc ka mid ah kuwa liiska ku jira ayaa la xukumay – inta badan waxaa lagu hayaa xabsiga iyagoo sugaya maxkamad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More