Xasan Kheyre iyo Hannaanka Deyn Cafinta

May 05 (Jowhar.com)–Musharax madaxweyne Xasan Kheyre, oo ra’isul wasaare ka ahaa Soomaaliya in ka badan 3 sano iyo barkii tagay, waxaa uu cinwaan u ahaa in Soomaaliya deyn laga cafiyo, isaga oo hirgeliyey hannaan maaliyadeed oo keenay isla xisaabtan hufan, oo ay aamineen hey’adaha IMF-ta, bangiga adduunka iyo dhammaan dunida.

Miisaaniyadda Dowladda:

Miisaaniyadda dowladda kahor xukuumadda Xasan Cali Kheyre waxaa ay aheyd $246 million 2016, laakin shaqo fiican uu ka qabtay dhakhli uruurinta, iyo shacabka oo aaminay nidaamka dowliga ah iyo deegyada ay xukuumadda bixiso,  waxaa uu gaarsiiyey in ka badan Nus Bilyan Doolar.

Ka Shaqeynta Shaciyada Dhaqaalaha:

Xukuumadda Kheyre waxaa ay sameysay tubta horumarinta dhaqaalaha  iyada oo baarlamaanka 10-naad ee federaalka ah hordhigtay sharciyo maaliyadda la xiriira, qaarkood waa la meelmariyey qaarna heerarka akhriska ayey ku jiraan.

Sharciyadaas waxaa ka mid ah sharciga isgaarsiinta, sharciga shimsaha guddiga ladagaalanka musuqa, sharciga dhakhliga, sharciga shirakada ganacsiga, hindise sharciyeedka maamulka maaliyadda, sharciga batroolka, heshiiska ma midnoqoshada hey’adaha damaanada maalgeshiga darafyada badan, hindise sharciyeedka maalgeshiga iyo maalgeshtadaha, xeerka hey’adaha aan dowliga aheyn, wax ka badalka sharaciga hanti dhowrka guud, hindise sharciyeedka hey’adaha dhiirigelinta malageshiga Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Taya-dhawrka iyo qaar kale.

Wanaajinta Xiriirka Hey’adaha Lacagta

Inta uu Xasan Kheyre ra’isul wasaaraha ahaa waxaa uu aad u wanaajiyey, oo kalsooni dhex dhigay Soomaaliya iyo hey’adaha lacagta, tiiyo keentay in taageero laga helo qaramada midoobey, midowga Afrika, midowga Yurub, ururka Islaamka iyo ururro kale,

Isaga horay u waday heshiiskii Article IV oo suurtogeliyey inay IMF Soomaaliya ka saxiixato heshiis SMP oo Soomaaliya deynta looga cafinayo.

Gaarista SMP III

Kheyre waxaa uu xilka la wareegay iyada oo Soomaaliya ay dhexda ugu jirto barnaamija IMF Staff-Monitored Program (SMP), taas oo wejiga koowaad ama SMP I, oo bilowday May 2016 uu dhameystiray April 2017, waxaa uuna horay usii waday heshiiskaa, isaga oo suuro-geliyey am aka gudbay SMP-ta labaad (SMP II, May 2017-April 2018) iyo midda sexdaad (SMP III) May 2018-April 2019, taas oo keenay in Soomaaliya deynta laga cafiyo.

Soomaaliya waxaa uu gaarsiiyey Decision Point.

Xasan Kheyre, markii uu wanaajiyey xiriirka Soomaaliya iyo hey’adaha lacagta, isla markaana uu ka gudbay imaaxaanaadkii ilaa SMP III, waxaa ay hey’adaha lacagta adduunka sida IMF iyo bangiga adduunka ku dhawaaqeen in Soomaaliya ay ka sameysay dib u habeyn dhaqaale oo adag kahor March 2020, sidaa darteedna ay gaartay Decision Point ayna tahay in deynta laga cafiyo.

Mas’uuliyadda Kheyre ee Deyn Cafinta

Gaarista Soomaaliya ee Decision Point, waxaa isla markiiba shir isugu yimid hey’adaha World Bank, the African Development Bank, the International Monetary Fund (IMF) iyo the Paris Club iyaga hal mar deyntii Soomaaliya lagu lahaa oo gaareysay US$5.2 billion  hoos u dhimay, oo gaarsiiyey  US$557 million.

Wada Hadalka Dalalka Paris Club iyo Kuwa kale

Xukuumadda Xasan Kheyre iyada ayaa qaadatay wada hadal dheer oo mira dhalay, oo lala galay dalalka la isku dhaho Paris Club, oo Soomaaliya ku lahaa in ka badan $3 billion, shirar dheer kadib waxaa deyntii la keenay $1.4 billion. Waxaa kale oo hadda socda wada hadalka dalalka la dhaho Non-Paris Club, dalalka oo carab u badan ayaa Soomaaliya ku leh deyn gaareysa $700 million.

Helidda Soomaaliya ee Taageero Dhaqaale:

Xasan Kheyre waxaa uu mas’uul ka ahaa in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka hela barnaamijka Highly Indebted Poor Countries (HIPC) ayna heshay 800 million US dollars.

Maalgeshiga:

Go’aanka ay dalalka iyo hey’adaha ku gaareen in ay deynta ka cafiyaan Soomaaliya iyo World Bank’s Multilateral Investment Guarantee Agency (MIGA) waxaa ay dhiirigelisay in shiradaha gaarka ah iyo qaar kale ay ku dhiiradaan maalgeshiga Soomaaliya, tiiyo keentay in lagu dhawaaqo xaraashka xermooyinka shidaalka, maalgeshiga dekadaha, shirakado kaluumeysi oo caalami ah iyo arrimo kale.

W/Q: Cismaan Faarax Ibraahim

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More