Xasan Sheekh iyo maamul goboleedyada oo maanta shir uga furmayo Muqdisho.

June 11 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow uu xarunta madaxtootada ee Villa Somaliya shir uga furmayo madaxwetnaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxda maamul goboleedyada iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa diirada lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda cusub iyo maamul goboleedyada iyo sidii latashiyo madaxda loogala sameyn lahaa dadaalada uu madaxeyne Xasan Sheekh ku soo magacaabayo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka.

Shirkan oo ah kii ugu horreeeyey oo rasmi u dhexmara Golaha tan iyo doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kalr diirradda lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo abaaraha.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni oo xaqiijiyay qabsoomida shirkan ayaa carabka ku dhuftay inuu ka dhacayo madaxtooyada oo ay haatan ku sugan yihiolin madaxda qaar ee la casuumay.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda soo gaaray xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, halkan oo uu kaga qeybgalayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee saaka u furmaya Madaxda DFS ah, Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri qoraal lagu dabacay boga Facebook ee madaxtooyada Puntland.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More