Xasan Sheekh oo soo fara geliyay toogashada ay Somaliland ku heyso shacabka Laascaanood.

Dec. 30 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo kahadlayay Masjid kuyaala gudaha Madaxtooyada, ayaa ugu baaqay Somaliland in aysan awood ciidan u adeegsan bulshada ku nool magaalada Laascaanod.

Madaxweynaha oo ka hor hadlayay sad u badan madaxda iyo shaqaalaha dowladda ayaa sheegay in ay tahay in nabad lagu xaliyo xaalka magaaladaas kataagan.

Somaliland ayaa hub culus u adeegsanaysa dadka dareenkooda cabiraya, dad badan ayaa geeriyooday oo u dambeeyey mid kamid ah culumada Diinta iyo waxgaradka oo salaadii jimcaha ka dib ay dileen, Ciidanka maamulka Somaliland.

Inta la xaqiijiyay 4 qof ayaa ku geeriyootay rabshadaha ka socda Laascaanood, in ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalka weli ka socda magaaladaas, rabshadahaan iyo dagaalka ay kala hor tagtay Somaliland ayaa ka bilowday dilal aan la aqoonsan cidda geysata oo lagu hayo haldoorka magaaladaas.

Lama oga waxa ay xaaladda Laascaanood ka bedeli doonto hadalka madaxweynaha, waxaana sidoo kale jira siyaasiyiin Somaliland ugu baaqay iney xiisadda qaboojiyaan oo ay wadahadal ku dhameeyaan muranka jira.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More