Xildhibaan sheegay in saraakiil ciidan ay Shabaab magaalada usoo galiyaan qaraxyada

Oct. 31 (Jowhar.com) -Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa banaanka keenay xogta saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ee dowladda oo Shabaab u fududeeyay iney qaraxyada uga soo gudbiyaa baraha Kontorool ee ciidamadda gaadiidka ku hubiyaan.

Xildhibaan Macalimuu oo dhowr jeer hore dhaawacyo ku noqday qaraxyo Shabaab ayaa bartiisa Facebook qoraal uu ku daabacay ku sheegay iney jiraan saraakiil la shaqeysa kooxda Shabaab, isagoo su’aal galiyay qaraxyada ka dhaca Muqdisho iyo sida shacabka ay ugu adag tahay iney baraha kontorool ee magaalada ka soo gudbaan.

“Saraakiisha amniga ee qaraxyada gudbiya,daaraha waaweyn dhista ,waxa ay ka xun yihiin Khawaarijta laayaanka ah. Shacabka baraha koontorool dhib bey ku soo gudbaan,qaraxyadana si fudud” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Si kastaba, baraha Kontorool ee magaalada ayaa waxaan lagu baarin gaadiidka ay wataan saraakiisha ciidamadda, taasoo khuburada amniga ay dhowr jeer oo hore digniin adag ka soo saareen, maadaama lagu soo dhex dhuuman karo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More