Xildhibaan sheegay inuu Muqdisho ka socdo olole xilka looga qaadayo madaxweynaha Koofur Galbeed.

May 24 (Jowhar.com)-Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan oo hada ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu Muqdisho ka socdo abaabul la doonayo in xilka looga qaado madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen).

Xildhibaanka oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii loogu midoobi lahaa difaaaca hoggaanka maamulkan, si looga shaqeeyo kahortaga burbur loo geysto nidaamka dhisan, shacabka ayuu ugu baaqay iney gacmaha is qabsadaan oo ay iska difaacaan cid kasta oo carqalad ka wada Baydhabo.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi kusii daray in dadka abaabulka wada ay yihiin dad ka yimid dalka dibaddiisa, kuwaas oo aan ogeyn dhibaatada loo soo maray dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay inay la dagaalami doonaan cid kasta oo isku dayda inay carqaladeeyso Maamulka Koonfur Galbeed.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xili shalay uu xilka la wareegay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana durba bilowday hadal heyn ah in dad ka agdhaw ay doonayaan sidii loogu dhiibi lahaa xilalka madaxda maamul goboleedyada dalka, lama oga in lala sugi doono gaarista xiliyada doorashada ama in la diyaarin doono qorshe lagu ridayo iyagoo aan dhameysan mudo xileedkooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More