Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle oo saaka la dhaarinayo

Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee dowlad goboleedk Hirshabelle ayaa saaka looga yeeray xarunta guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle si loo siiyo aqoonsiyo isla markaana loo dhaariyo.

Guddiga farsamada ayaa u muuqda kuwo aan ku howlgalaynin jadwalkii ay hore u soo bandhigeen oo ay ku shaqeynayeen.

Dhaarinta xildhibaanada ayaa waxaa hore loo shaaciyay inay dhacayso 31ka bisha Oktobar waxana la soo hormaiyay muddo saddex cisho ah.

Liiska xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle ayaa xalay si degdeg ah loogu dhowaaqay iyadoo aysan joogin wakiilo ka socda dowlada federalka, illaa iyo haddana ma jirto wax war ah oo ay dowlada federalka ka soo saartay liiska xalay saqdii dhexe la shaaciyay.

Qaar ka mid ah beelaha dega Hirshabelle ayaa cabasho ka keenay liiska ay ku dhowaqeen guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.

Liiska la shaaciyay ayaa laga waayay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed iyo ku xigeenkiisii Cabdi Xuseen Geeddi.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More