Xildhibaanada baarlamaanka 2aad Hirshabelle oo la dhaariyay

Xaflad lagu dhaarinayay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

Inkabadan  90 xildhibaan ayaa lagu dhaariyay xarunta baarlamaanka Hirshabelle ee magaalada Jowhar.

Hase yeeshee xaflada dhaarinta ayaa waxaa hareeyay muran ku saabsan xildhibaano loo diiday inay ka qeybgalaan kadib markii ciidamada ammaanka ay ka qaadeen warqadii aqoonsiga ee ay guddiga farsamada siiyeen.

Xildhibaanadan ayaa waxaa guddoomiye ku meelgaar ah loo doortay xildhibaan Maxamuud Siyaad Barqadle oo ah xildhibaanka ugu da’ada weyn ee ku jira golaha Baarlamaanka.

Xildhibaanada cusub ee la dhaariyay ayaa badankood waxa ay yihiin kuwo dhalinyaro ah kuna cusub siyaasadda iyadoo aan la ogeyn waxa ay ka bedeli karaan siyaasadda Hirshabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More