Xildhibaanada oo diidan iney xaadiraan kulan ay gudoomineyso xildhibaan Sacdiya.

Dec. 14 (Jowhar.com)-Fadhiggii labaad ee golaha shacabka ayaa markii labaad baaqday todobaadkan, taasoo hadal heyno kala duwan dhalisay.

Kooram la’aanta uu markii labaad u baaqday Fadhigii Golaha Shacabka ayaa sabab u ah in Xildhibaano mooshin ka wada Guddoomiye Sacdiya inay diidan yihiin shir guddoominta fadhiga maadaama ay tahay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xidhibaan Qaali Cli Shire oo kamid ah xildhibaanada diidan iney gudoomiye Sacdiya shir gudoomiso fadhigga ayaa sheegtay ineysan jirin kooram la’aan balse sababta ay u baaqdeen xildhibaanada ay tahay oofinta balan ay wada galeen mudanayaashii maqnaa, iyagoo magaaladan ku sugan.

“Majiro kooram buuxsami waayay saakay waxaan uga baaqanay Baarlamaanka sabab jira oowgood Allaahu akbar waxaan u mahadcelinayaa xildhibanaada aan soo xaadirin oo balankii oofiyay” ayey tiri xildhibaan Qaali.

Si kastaba, Arrimahan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Baarlamaanka Soomaaliya uu hor yaallo mooshin ka dhan ah Xildhibaan Sacdiya Yaasiin, kaas oo ay gudbiyeen xildhibaano ka tirsan isla Golaha, kuwaas oo ku eedeeyay inay xadgudubtay Diinta, kadib hadalkeedii xeerka Jinsiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More