Xildhibaano si kulul uga falceliyay mooshinka mudo kororsiga ah ee la wado

Mar. 04 (Jowhar.com)-Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa si kulul uga hadkay mooshinka lagu doonayo in muddo xileedka barlamaanka laga dhigo shan sano ah, sidaasna uu barlamaanka hadda jira iyo xukuumaddiisaba ku helaan hal sano oo muddo kordhin.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah erayga abaaraha madaxweynaha ayaa ka hor-yimid qorshahan, isagoo gudoonka baarlamaanka ku eedeeyay iney ku fashilmeen shaqada loo diray oo eheyd sidii doorashada dadban looga bixi lahaa.

Wuxuu sheegay in barlamaanku ogyahay mashaqadii iyo dhibkii muddo kororsi laga soo maray, isagoo tilmaamay in aysan xilligaan ahayn xilli uu barlamaanku ka fekero muddo kororsi.

Xildhibaan Ambasadir Cali Siciid Fiqi oo ka hadlay Mudo Kororsiga la wado ayaa sheegay in laga fogaado arrintan oo uu sharci darro ku sifeeyay, shacabka ayuu soo jeediyay in laga daayo lugooda.

Xildhibaan Dayax Cumar ayaa isagu dhankiisa wax lala yaabo ku tilmaamay in baarlamaanka oo aan jirin mudo sanad ah lala hor-yimaado mudo kororsi, qorshahan ayuu tilmaamay in dalka looga weecinayo dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee haatan socda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More