Xisbiga Wadajir oo ka hadlay dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka Soomaaliya

Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay oo qoraal kasoo saaray dib u dhaca ku yimid Jadwalka Doorashooyinka Soomaaliya ay heshiiska ku gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in sheegay Xisbiga isha ku haayo habsi u socdka fulinta heshiiskii Doorashada 2020/2021, isla markaana ay walaac xoogan ka muujinayaan in weli aan tallaab loo qaadin fulinta heshiiskaas.

Sidoo kale Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo C/raxmaan C/Shakuur ayaa taageeray mowqifka Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ee ku aadan soo magacaabida Guddiga Doorashada Xildhibaanada Somaliland ee Baarlamaanka Somalia.

Halkan ka aqriso qoraalka uu soo saaray xisbiga Wadajir

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More