XOG: Maxkamadda ciidamadda oo 26 shabaab ah dil ku fulineysa laba bil gudeheed .

Oct. 29 (Jowhar.com) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay saraakiisha maxkamadda ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya, isagoo kala hadlay dadajinta xukunada dilka ah ee lagu fulinayo xubnaha Shabaab ee hore loo xukumay.

Sida xogaha ay tilmaamayaan, madaxweynaha ayaa saxiixay fulinta xukunada, iyadoo qorshaha uu yahay in labada bil ee ka harsan sanadkan 2022 lagu dhameeyo toogashada dadka xukuman.

Sarkaal ka tirsan maxkamadda ciidamadda ayaa sheegay in 29 Shabaab ah oo dil ku xukunaa 4 kamid ah la toogtay todobaadkii hore, 26ka harsan toogashadooda la fulinaayo 60ka maalin ee soo socota.

Guud ahaan dadka dilka ku xukuman ayaa ah 119 qof, 90 kamid ah ayaa rayid, halka 29ka soo harayna oo 4 toogashadooda la fuliyay ay yihiin xubno Shabaab ah oo hore dilal u geystay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More