Xoghayaha guddiga FEIT oo ka-horyimid go’aanka Gudoomiye Muuse Geelle.

April 01 (Jowhar.com) –Xoghaya Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal (FEIT) Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan oo sadii dhexe ee xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go’aanka Guddoomiye Muuse Geelle uu yahay mid gaar u ah maadaama aanay kusoo bixin go’aan dhammeystiran oo ay gaareen xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.

Gudoomiye Muuse Geelle ayaa shalay shaaciyay liiska xildhibaanada ay shahaadada aqoonsi siinayaan, waxaana laga reebay Fahad Yaasiin oo kurisgiisa Hirshabelle yahay iyo 3 kursi oo deegaan doorashadooda ay tahay Koofur Galbeed

Xoghayaha FEIT ayaa ku dooday in hubinta Xildhibaannada loo qorsheeyay marka lasoo dhammeystiro doorashada, howshaasna lagu qabanayo goobta Doorashada, wareejinta xogtoodana ay dhaceyso marka lasoo dhammeystiro.

“Waxa aan caddeyneynaa in uusan jirin Liis rasmi ah oo kasoo baxay Guddiga, waxa aan ku howlanahay uruurinta xogta Xildhibaannada, ilaa haatan waxaa la doortay Labada Aqal 303 Xildhibaan, Guddoomiyaha waxa uu wax ka baddel ku sameeyay xogaha rasmiga ah ee kasoo gudbay Guddiga SEIT isaga oo ka leh Dano siyaasadeed, Goobta Doorashada ka dhaceyso ayaa si rasmiga ah loogu hubinayaa hannaanka Doorashada” ayuu yiri Xoghayaha FEIT Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan.

Si kastaba, waxaa durba bilowday khilaaf hor leh, xili ay 13 maalin ka harsan tahay waqtigii lagu balamay in xildhibaanada lagu siiyo shahaadada, waxaana jirta cabsi ah in Koofur Galbeed ay ku goodiso in mudanayaasha ka soo baxay aysan u sii dirin Muqdisho oo ay Baydhabo iska joogaan, taasoo sii calwin karta dhameystirka doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More