Xoghayaha SJS oo xabsiga Muqdisho laga sii daayay.

Oct. 16 (Jowhar.com) -Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow xoghayaha ururka Suxufiyiinta ee SJS Cabdalla Axmed Muumin laga sii daayay xabsiga.

Sida wararku sheegayaan, Maxakamada Gobolka Banaadir ayaa 45 cisho dib u dhigtay Dhageysiga Dacwadda Xoghayaha SJS Cabdalle Muumin, waxaana lagu sii daayay damaanad.

Muumin oo maalinkii 6aad maanta kujiray gacanta laamaha amaanka ee dowladda ayaa sii deyntiisa waxey timid kadib markii lagu waayay eedihii loo heystay oo ay qeyb ka eheyd inuu lidi ku yahay amaanka, sida dowaldda hore ugu soo eedeysay.

Cabdalla Muumin ayaa laga qabtay dhawaan garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo u dhoofayay magaalada Nairobi, iyadoo qabashadiisa ay timid maalin kadib markii uu bartiisa Facebook ku baahiyay muuqaal uu ku sheegy iney NISA weerartay xaruntooda ku taala nawaaxiga kontrolka Seydka ee madaxtooyada laga ilaaliyo.

Cabdalla Muumin oo u dooda xoriyada hadalka iyo xuquqida Suxufiyiinta ayaa lagu dhaleeceeyay inuu diidmo ka muujiyau amar ka soo baxay dowladda oo ahaa in warbaahinta aysan buun buunin dacaayada Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More