Xogta arrimaha loo heysto wasiir Bayle ee xeer ilaaliyaha qaranka ugu yeeray.

June 25 (Jowhar.com)-Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa looga yeeray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, qaybta qaabilsan dembiyada lidka ku ah maaliyadda.

Sida wararku sheegataan, Warqad ka soo baxday Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa lagu sheegay in qaybtaasi ay gudaneyso waajibaadkeeda shaqo, oo ku aaddan baaris ay ku waddo dembiyo la xiriira maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka.

Warqada waxaa sidoo kale ku xusan in Wasiir Beyle laga dalbaday maalinta Isniinta in uu yimaado Xafiiska Xeer Ilaalinta, si wax looga weydiiyo arrimaha la xiriira maaliyadda.

Warqada u yeerista Wasiir Bayle ayaa sidoo kale waxa la ogeysiiyay Guddiga KMG ah Maaliyadda ee labada Aqal BFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More