Xubno lagu sheegay Shabaab oo lagu qabtay howlgal laga sameeyay Sh.Hoose

Mar 31 (Jowhar.com) –Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal balaaran oo ciidamada milatariga Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Sh.Hoose oo xad la leh magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo isu diyaarineyso doorasho madaxweyne.

Howlgalkan oo ahaa mid balaaran ayaa laga sameeyay tuulooyinka kala ah, keysaney, Ceel Mashiidiyo, Afar Buulo Murusade ilaa Degmada Walanweyn oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo ciidamada amniga ay ka feejignaayeen weeraro uga yinaada Shabaab inta baarista ay wadeen.

Taliyaha Ururka 35aad ee Ciidanka xoogga dalka Dhamme Axmed Maxamuud Cali iyo Taliyaha ururka 64 aad ee Ciidanka xoogga daka Cali Cabdullaahi Halac oo baaritaanadan hogaaminayay ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in howlgaladan lagu soo qabtay rag looga Shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayna baaritaano dheeraad ah kuhayaan.

Si kastaba, howlgaladan ayaa ku soo aadaya xili habeen kahor qarax ka dhacay Degmada Walaweyn uu sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo qaraxaas lala eegtay gudoomiye kuxigeenka degmada, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay isugu jireen askartiisa iyo qoyskiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More