Xukun lagu riday sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo Shabaab la shaqeynayay

Feb. 19 (Jowhar.com)-Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadda qalabka sida ayaa maanta xukun xabsi oo 15 sano ah ku riday sarkaal ka tirsan ciidamadda xoogga dalka oo loo heysto la shaqeynta Shabaab.

Sarkaalkan oo 63 sano jir ah ayaa lagu magacaabaa Xidigle Cabdi Casiis Xuseen Nuur Musral, isagoo ahaa Macalin Tababar oo ka tirsanaa kuliyadda Jaalla siyaad ee milatariga Soomaaliya.

Waxa uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare laakiin dowladdii Madaxweyne Farmaajo xilligii diiwaan gelinta Ciidamada ayaa loo helay xidig sax ah, waxaana Cadaatay in inta kale uu iska saartay.

Caradii uu ka qaaday kedib waxa uu la xertay Alshabaab, waxaana hay’adaha barista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Ogaadeen In Xidigle CabdiCasiis Xuseen Nuur Musral yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Alshabaab.

Tan iyo 22 kii January Sanadkan ayay socotay habraaciisa Maxkamadeed, taasoo maanta la soo gaba gabeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More