Sawirro: Guddiga Badbaadada Musharaxiinta oo shirkooda u horreeyay yeeshay

Guddiga Badbaadada Doorashooyinka Qaranka ee ay magacaabeen Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa maanta shirkooda u horreeyay ku yeeshay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Guddigan oo ka kooban 28 xubnood ayaa min labo xubnood waxay uga yimaadeen Midowga Musharaxiinta ee ka kooban 14 Musharax.

Shirka Guddigan ayaa waxaa ka dhed muuqday Wasiirkii hore ee Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Guddigan ayaa waxay isla dhex doorteen shir guddoon, Guddoomiye, Guddoomiye kuxigeen iyo Xogheyn.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo maalmahan shirar uga socday Hotelka Jazeera ayaa qaadayay tallaabooyin jawaab u ah Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ee Xukuumaddu magacawday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More