Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta kulamo ka bilaabaya Garowe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo galinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland, ayaa maanta la filayaa inuu kulamo la yeesho Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo qeybaha kala duwan ee bulshada  dowlad-goboleedka Puntland.

Ra’iisul wasaaraha ayaa isku dayaya inuu xal u helo khilaafka ka taagan habka loo fulinayo doorashada dadban ee ay madaxda dalku ku heshiiyeen, kaasoo muran uu ka taagan yahay qaabka loo fulinayo.
“Madaxda iyo Bulshada Puntland way ku mahadsan yihiin sida diirran ee ay noogu soo dhaweeyeen Garowe. Inta aan joogo waxaan mas’uuliyiinta iyo bulshada Puntland kala hadli doonaa arrimo muhiim ah sida; Amniga, Doorashooyinka iyo Adeegyada bulshada” ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashadiisa Puntland kaddib booqan doona Galmudug.
Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qeyb ka ah safarro uu ku marayo dowlad-goboleedyada dalka oo diiradda lagu saarayo iskaashiga dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada iyo arrimo ay ka mid yihiin nabadgalyada, doorashooyinka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More