Taabit “Lama aqbali karo muwaadiniin dareenkooda cabiraya dabaabado la hordhigo”

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa ku tilmaamay arrintii shalay ka dhacday magaalada Beledweyne ay aheyd arrin argagax leh, kaddib markii dad dibad baxayay ay ciidamada rasaas ku fureen.

“Hab dhaqannada isa soo taraya ee muujinaya awood ku maquuninta argtida iyo dareenka muwaadinka; waxa ay lid ku yihiin mabda’ dowladnimo iyo nidaamka dimuqraadiga ee aan Soomaaliya la dooneyno”ayuu yiri Taabit Cabdi Maxamed.

Waxaa uu sheegay in aan la aqbali karin muwaadiniin dareenkooda cabiraya in dabaabado la hordhigo, rasaasna lagu harqiyo, halkii tabashadooda la dhageysan lahaa.

“Waxaa ayaan-darro kale ah in ciidankii axdiga u galay ilaalinta badqabka iyo sharafka muwaadinka ay maanta ula dhaqmaan shacabkeena sida cadoow oo kale”ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed aanay aheyn dad qoor qabad biyo lagu cabsiin karo, isla markaana Beledweyne ay dalbaneyso xal maangal ah ee xabad uma baahna.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa shalay iyo maalmo ka hor ka dhacay bannaan bax looga soo horjeeday Maamulka Hirshabelle, waxaana ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo howlgallo ka sameeyay xaafadaha ay xireen dad dhowr ah oo lagu tuhunsan yahay inay taageeraan maleeshiyo uu hoggaamiyo Jeneraal Xuud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More