Waa imisa Miisaaniyadda Gobolka Banaadir ee sanadka 2021 ?

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2021, kaddib shir ay isugu yimaadeen Mas’uuliyiinta Maamulka heer gobol iyo heer degmo.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay qorshe howleedka iyo ansixinta Miisaaniyadda 2021, waxaana laga sheegay howlaha maamulka uu qabanayo sanadka cusub ee diiradda u saaran.

Miisaaniyadda sanadka 2021 ayaa noqoneysa $36,857,503.00, iyadoo ay ansixiyeen 62 ergo oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir heer degmo iyo heer Gobol.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud ayaa saxiixay Miisaaniyadda sanadka 2021 uu ku howlgeli doono Maamulkiisa.

Miisaaniyadda sanadkan 2021 ayaa ku korortay illaa afar milyan, waxaana miisaaniyadda sanadkii 2020 ay aheyd $32,977,123, hase ahaatee Hanti Dhowrka Guud ayaa baaritaanka uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in aanay jirin xisaab xir la sameeyay, isla markaana Maamulka Gobolka Banaadir aanu diyaarin warbixin maaliyadeed oo sanadle ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More