Qorshaha Maamulka Goboleedka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo dar-dar ku socda (Warbixin)

by A M | Monday, Sep 15, 2014 | 5631 views

Kadib markii dowladda Soomaaliya ay aqoonsatay maamulka KMG ah ee Jubba ayaa gobollada kale ee dalka marka laga reebo Puntland iyo Soomaliland waxaa ka bidhaamay rajo ah hirgelinta nidaamka federaalka.

Kala jiidasho gobollada oo wadatashi ku saleysnaa ka ib waxaa isku biiray gobollada Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose oo aqoonsi ka heshay Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, Sidoo kale Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa dadaal xoog leh oo ay ku bixisay Dowladda iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobollka lagu guuleystay in dadka deegaankaasi isku waafaqaan dhisidda maamul goboleed.

Dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Galgaduud iyo Mudug oo dhowaan la isku raacay ayaa waxaa soo baxday in dalka uu cagta saaray wadadii federaalka, ha yeeshee waxaa dad badan ka war-dhowrayaan ambaqaadka maamulka labada gobol ee soo hartay oo ay daruuri tahay in maamul sameystaan kuwaasi oo ah Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Wada-tashiyo

Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo wax-garad ka soo jeeda gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa Muqdisho ka bilaabay wada tashiyo ku aadan hanaankii lagu bilaabi lahaa iyo sidii dhidibada loogu taagi lahaa maamul uu yeesho labada gobol ee qaniga u ah wax soo saarka beeraha.

Wada tashiyada socda waxaa ugu dambeeyay kulan casho ah oo uu habeen hore Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u sameeyay siyaasiyiin, aqoonyahano, odayaal dhaqameedyo iyo xildhibaano labada gobol ka soo jeeda.

Madaxweynaha ayaa loo arkaa nin door weyn ka qaadan kara dhismaha maamulka labada Gobol Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Tan koowaad Madaxweynuhu labada gobol si qoys ahaan ayuu uga soo jeedaa, dhinaca hooyada iyo aabaha dhalay, marka xal loo baahdana waa uu ku guuleysan karaa marka uu is qab qabsi dhaco, hase ahaatee waxay u badan tahay in meel dhow la isugu imaan doono.

Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar iyo Beledweyn ayaa waxaa ka socda kulamo siyaasadeedyo lagu dejinayo shaxda maamulka iyo sidii dadka saameynta ku leh labada gobol loogu mideyn lahaa fikirka maamul dhisida labada Gobol.

Dhaqaalaha

Dadka odorasa arrimaha dhaqaalaha ayaa sheegaya in kheyraadka labada gobol leeyihiin ay ku laba jibaarmayaan dhammaan maamulada kale ee dalka ee ka hana-qaaday iyaga oo tusaalo u soo qaadanaya badda ku dherarsan gobolka Sh/Dhexe iyo wabiga Shabelle oo mara labada gobolba, iyada oo intaasi u sii dheer-tahay dhul-beereedka iyo ganacsiga ka jira maagaalooyinka labadda gobol.

Xiriirka labada gobol

Inkastoo aan labada gobol soo marin colaad qoto dheer ayaa hadana waxaa loo arki doonaa dadka ku wada nool inay yihiin dad wada dhashay, waxaana dadka aadka ugu xeelka dheer dajinta strategy-yada dhul deegaaneedka iyo taariikhda labada Gobol ay sheegayaan in Hiiraan iyo Sh/Dhexe yihiin kuwa isku mid ah dhanka dhalashada dadka deegaanka.

Dadka ku nool labada gobolka ayaa lagu tilmaamaa dhaqan wadaag aad isku dhax-milan taasi oo ka dhigan in maamul yagleelida labada gobol uu noqon doono mid si fudud oo dar-dar leh ku sameysma dadkuna mowqifkooda mideyn kara.

Caasimadda iyo Hogaanka

Inkastoo gobollo ku midoobay sameysashada maamul gobolleed dood dheer ka dhalatay magaalada noqon lahayd caasimadda maamulka goboleedka ayaa dad badan waxa ay is-weydiinayaan magaalada noqon karta caasimadda maamulka lagu wado in dhisidiisa si rasmi ah u bilaabato.

Marka laga yimaado awood qeybsiga unugyada hoose ee maamul dhisida ayaa u baahan in aad looga baaraan dego, halka ay noqon karto caasimadda maamulka lagu wado in dhowaan dhidibada loo taago haddii caasimadda laga dhigi karo magaalooyinka Gobolka Hiiraan ama kuwa Shabeellaha Dhexe.

Aragtida ugu hadal heynta badan ayaa ah in mid ka mid ah magaalooyinka gobolka Hiiraan laga dhigo caasimadda, waxaase la ogeyn wali in xal laga gaaray taas iyo in kale, maadaama hal gobol aan wada qaadan karin Madaxweyne iyo Caasimad, waana tan ugu horeysa ee lagu ogaan doono meeshii caasimad laga dhigo.

Inkastoo awood qeybsi walba ee u dhaxeeya labo gobol ee isku biirtay ay ugu muhiimsan yihiin cidii noqon lahayd hogaanka maamulka goboleedka iyo magaalada laga dhigi lahaa caasimadda ayaa hadana waxaa isfaham lagu qaadan karin hogaanka sare maamul gobolleedka oo ku imaan doona doorasho ay sameynayaan xildhibaannada la soo xuli doono.

Dowladda Federaalka ayaa dooneysa inay hirgeliso nidaamka federaalka ka hor sanadka 2016, isla markaana Gobolada dalkana ay ka dhaqan galaan Maamul goboleedyo rasmi ah.

By C/casiis Golf

Like it? Share it!